7 Dec 2016

Ciidamada Dawlada Puntland ayaa dib ula wareegay degmada Qandala ee Gobolka Bari, ka dib hawlgal balaaran oo ay wadeen maalmihii ugu dambeeyay.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in ciidanku ay galinkii hore ee maanta la wareegen Qandala, waxaana goobta la geeyay bahda Saxaafadda oo loso bandhigi doono natiijada hawlgalka.

Khasaaro baaxad wayn ayaa Kooxda Argagixisada ah ka gaaray hawlgalka, waxaana laga qabtay Gaadiid uu saaran yahay walaxaha qarxa.

7 Dec 2016

Bulshada reer Puntland ee gudaha iyo dibada ayaa u istaagay caawinta walaalahooda ay saamaysay Abaarta ee ku dhaqan Gobolada Puntland, waxaana Ardayda Iskuulada Boosaaso ay bilaabeen inay lacago iska ururiyaan, taasi oo lagu soo gaday Raashin, lana gaarsiin doono qoysaska ay saamaysay Abaartu.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Culumada Puntland ka kooban ayaa lagu wareejiyay Raashinka, waxaana si bilow ah u socda cawinta qoysaska.

7 Dec 2016

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug si hasami leh u kulmayay Guddiyada Nabadaynta Gaalkacyo ee Puntland iyo Maamulka Cadaado ee Galmudug.

Guddiyada ayaa kormeer ku sameeyay goobihii horay loogu dagaalamay, waxayna qiimayn iyo kor u qaadid ku samayeen hirgalinta heshiiskii horay loo wada gaaray, waxaana heshiiska kor joogto ka ah Xubno ka socda beesha caalamka.

Waxaa la isku raacay in Nabada si wada jir ah looga shaqeeyo, waxaana socda kulamo, booqashooyin iyo wada hadalo joogto ah oo dhexmaraya Puntland iyo Mamulka Cadaado.

7 Dec 2016

Dawlada Puntland ayaa guul balaaran ka gaartay hawlgalka ka dhan ah Kooxda Daacish, ka dib hawlgal Cilmiyaysan oo ay waday maalmihii ugu dambeeyay.

Sarkaal ka tirsan dawlada Puntland oo la hadlay Warsidaha Puntlandi, ayaa sheegay in Intii hawlgalku uu socday ay dawladu ku dishay Xubno ka tirsan Daacish, ayna ka qabteen Gawaari badan oo qaarkood ay saarnaayeen walxaha qarxa.

Pages

Subscribe to Puntland News Network RSS