Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

10 Dec 2017

Xildhibaano kamid ah  Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Qatar ay dayacday dadkii ku dhawacymay qarixii Zoobe oo ay u qaaday dalka Suudaan.

Sacdiyo Xaaji oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegtay in dadkii dhaawacyada ahaa oo ay dowladda Qatar u qaaday Suudaan ay aheyd shirqool ay dowladda Qatar u dhigtay Soomaaliya.

Waxay sheegtay in dhibaatada gaartay dadkaas aawgeed in la bilaabay in dadkaas dalka Suudaan loogu gurmado isla markaana lacago looga diro gudaha Soomaaliya.

10 Dec 2017

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo maanta magaalada Garowe kaga qaybgalay shir looga hadlayey tacadiyada kadhanka ah haweenka ayaa digniin u diray hayadda shisheeye iyo kuwa maxaliga ah.

Eng,  Camey ayaa hay’addaha uga digey inay abuuraan kiisas been abuur ah oo la xiriira tacadiyada ka dhanka ah ee kadhaca Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

10 Dec 2017

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta Shaaciyay Warbixin sanadeed ku saabsan Waxyeeladda dadka Shacabka ah loo geystay Sanadkaan.

Warbixintaan ayaa waxaa soo saaray Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku dhinteen 2078 Qof Sanadkaan.

Warbixintu waxaa ay xustay in khasaaraha faldamiyeed ee ka dhacay Soomaaliya guud ahaan uu gaarayo 4,585 kiis,kuwaas oo mas’uuliyaddooda dusha loogu kala saaray dhinacyada sidan soo socota:

Pages

Subscribe to Puntland News Network RSS