Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

9 Dec 2017

Muqdisho, December 9, 2017–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah u yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”.

9 Dec 2017

Muqdisho, Disembar 9, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

9 Dec 2017

Hay´adda sirdoonka dalka Norway  ayaa xabsiga dhigtay haweeney 30-sano jir Soomaali ah, taas oo ku eedeysan inay u socotay dalka Siiriya, si ay ugu biirto kooxda Daacish.

Haweeneydan ayaa markii hore lagu qabtay dalka Italy, kahor inta aan loo soo gudbin Norway, sida laga soo xigtay wargeyska VG. Sirdoonka Norway ayaa haweeneydan xabsiga dhigay isla habeenimadii talaadada oo Norway laga soo dajiyay.

Haweeneydan ayaa la sheegay inay u socotay dalka Siiriya, si ay ula kulanto nin ay xiriir lahaayeen, kaas oo katirsan kooxda Daacish, kuna sugan Siiiriya.

9 Dec 2017


Ciidamada Puntland ee xerada 54 ayaa la isla meel dhigay iney ku howl galaan Magaca Dowlada dhexe iyagoo qayb ka noqon doonaa Barnaamijkii ahaa in Maamul Goboleed walbaa uu diyaariyo 3000(Sadex kun) oo askari oo ku howlgali doona Magaca Dowlada dhexe(Federal Forces), Xafladii maalmo ka hor ka dhacdey Garowe ee loogu wanqalay Ciidanka Puntland ee ku howlgali doonamagaca Federaalka ayaa durba muran ka daba yimid.

9 Dec 2017

Dowladda Uganda ayaa bilowday inay ciidamadeeda Milatariga kala baxdo Soomaaliya, tanina waxay bilow u tahay dhammaadka ciidanka Amisom ee Soomaaliya ku sugan.

281 askari oo katirsan ciidanka Amisom ayaa ka bixidoona Soomaaliya tan iyo inta laga gaarayo 31 december, sanadkaan 2017, sida uu sheegay ku xigeenka afhayeenka milatariga Uganda Lt. Col. Deo Akiiki.

Ugand ayaa ah waddankii ugu horeeyay ee ciidamadiisa usoo dira Soomaaliya, sannadkii 2007, si ay u taageeraan dowladda federalka oo dagaal kula jirta kooxaha argigixisada.

Pages

Subscribe to Puntland News Network RSS