Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

20 Feb 2018

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 20 February, 2018 hawlgal dagaal oo qorshaysan oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow,Puntland, Soomaaliya.

Intii hawlgalkani socday, waxay ciidanka PSF dileen 3 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab , tiro kale oo intaa ka badana waxay gaarsiiyeen dhaawacyo.

Dhanka kale, ciidanka PSF waxay gacanta ku soo dhigeen 2 maxbuus oo ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab, kuwaas oo loo gudbiyey xabsiyada magaalada Bosaso.

20 Feb 2018

Ciidanka amniga ee ka howlgala kantaroolka konfureed ee magaalada Garowe, ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo looga shakisan yahay iany katirsan yihiin kooxda Alshabab.

Labadaan nin ayaa xalay ka dagay gaari xamuul ah oo siday Ari, kaasoo ka yimid magaalada Baladweyne kuna wajahnaa magaalada Bosaso, sida uu sheegay taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal gaashanle Faarax Cabdiaxmaan Warsame (Galangooli).

20 Feb 2018

Taliska Booliska qaybta ee gobolka nugaal ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay gaar nooca candho meedlaha looyaqaan oo siday 50 kartoon oo timir dhacday ah.
kar toomadii ay ku jirtay timirtan ayaa lagu buufiyay taariikh buufis ah oo aan ahayn tii loogu talagalay ee ahayd waqtigeedii rasmiga ah.

Warbaahinta ayaa sidookale latusay muuqaalka timirtan oo gabi ahaanba isbadalay ,kaas oo aan ahayn mid la isticmaali karo.

20 Feb 2018

Wax gadarka iyo cuqaasha degmada Towfiiq ee gobolka mudug ayaa ku howlan dadaalo ay ku dhex dhexaadinayaan beelo dhawaan ku dagaalamay degmada Towfiiq.

Nabadoonada ayaa sheegay in haatan nabadaynta labadaasi beelood ay meel wanaagsan umarayso oo labada dhinacna laysa soo hor fariisiyay si xal looga gaaro waxa ay kala tabanayaan.

20 Feb 2018

Taliska ciidanka booliiska gobolka Nugaal ayaa warbaahinta uga yeeray saldhiga bartamaha Garowe, halkaas oo goor dhow lagusoo bandhigayo gaari Xamuul ah oo sida Raashin dhacay oo la doonayay in la galiyo suuqyada Puntland.

Ciidankaan amniga ayaa qabtay gaarigaan, kadib markii ay xogtiisa heleen, waxaana lagu xiray isaga iyo raggii wadayaasha ka ahaa saldhiga dhexe ee Garowe.

Faahfaahin intaan ka badan goor dhow la socda.

 

Pages

Subscribe to Puntland News Network RSS