Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

7 Dec 2017

Ciidanka Amniga Puntland PSF ayaa hawlgal ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyey Buuraleyda deegaanka Harweyne ee Buuraha Calmadow.

Hawlgalkan ayay ciidanku ku soo qabteen 3 nin oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland,

Raggaan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidanka Amniga Puntland si loo mariyo baaritaano.

Ciidanka Amniga Puntland waxaa ka go’an in ay Puntland nabad ka dhigaan kana ciribtiraan kooxaha cadowga ah ee ku soo duulay.

7 Dec 2017

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

7 Dec 2017

Maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan , Ciidamada kala duwan , nabadoonada , guurtida , haweenka iyo dhallinyarada ayaa maalmahan ka bilaabay magaalada Badhan bannaynta dhulkii danaha guud u xidhnaa oo dad calaamad sadeen.

Aagga Saylada Xoolaha , Xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha , Qubuuraha , Ceelka iyo dhulkii xarumaha dawlada u astaysnaa ayaa beryahan la calaamadsaday taas ayaa keentay in si wada jir ah looga hawl galo .

Pages

Subscribe to Puntland News Network RSS