Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

7 Dec 2017

(Pi Garoowe) Baarlamaanka ka Punland ayaa maanta cod aqlibiyad le ku Ansixiyay Miisaaniyad sanadkeedka 2018 oo ay dhawaan barlamaanka usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda Puntland.

47 xildhibaan oo barlamaanka katirsan ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay miisaaniyada halka 3 xildhibaan oo barlamaanka katirsan ay  ka aamuseen.

Gudigga dhaqalaha barlamaanka ayaa warbxin dheer golaha kahor akhriyay waxayna namiisaaniyadda kaga talo bixiyeen barlamaanka hortiisa.

7 Dec 2017

Eebbe Ha u naxariisto Gudoomiye ku xigeenka degmada Xaafuun Maxamed Muse Bahaleey Ayaa Xili Danbe Oo Xalay Ku Geeriyoday Isbitaalka wayn ee magaalada Bosaso.

Marxuumka ayaa markii hore ku dhaawacmay rasaas uu furay taliyaha saldhiga degmada xaafuun, falka waxa uu ka dhacay gudaha degmada, intaas ka dibna waxaa isagoo dhaawac ah loola cararay isbitaalka Bosaso.

7 Dec 2017

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 06 December 2017 Magaalada Muqdisho kaga qayb galay xafladda saxiixa heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweynaha DFS Mudane. Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda DFS iyo xubno ka socdey beesha caalamka.

Pages

Subscribe to Puntland News Network RSS