Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

18 Feb 2018

Garowe (Puntlandi) Xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Puntland ayaa sii siyaasadayaa culayskeeda kadib markii abaartii Sima ay saamayn xooga Puntland ku yeelatay iyadoo deegaanada qaarkood aysan si wanagsan uga curan roobabkii Guga.

Agaasimaha Hay’adda Maarayntata Masiibooyinka Puntland, HADMA Cabdulaahi Cabdiraxmaan Axmed Cayrow ayaa sheegay in kormeer ay kusoo sameeyeen i210 deegaan ayna kusoo ogaadeen inay ka jirto xaalad abaareed oo saamayn xoogan ku yeelatay dadka reer guuraaga ah.

18 Feb 2018

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka kar kaar waxaa maanta lagu qabtay kulan bushada degmada Qardho iyo tuulooyinka hoos yimaada looga wacyi galinayay cudurka halista ah ee  Sonkorowga ama Macaanka.

Dhaqaatiirta ku sugan magaalada Qardho oo kulankan wacyi galinta ah isugu yeeray bulshada ayaa sharaxad kabixiyay sida lagu ogaan karo qofka qaba xanuunka macaanka ah.

Dhaqaatiirta ayaa kula taliyay dadweynihii kulanka ka soo qayb galay in qofka qaba xanuunkan  uu u tago dhaqtarka ugu dhaw iskana cabiro barasharka dhiigiisa isagoo helidoono adeeg caafimaad oo bilaas ah .

18 Feb 2018

Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya ayaa sheegay inay rajeynayaan in doorashada Soomaaliya ee sannadka 2020, aanay wax kaalin ah ku yeelandoonin Odayaal dhaqameed Soomaaliya, kuwaas oo doorashooyinkii ugu dambeeyay lahaa kaalinta ugu weyn.

18 Feb 2018

Garowe (Puntlandi) Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland. Dr. Cabdinaasir Cuuke, ayaa maanta dhagax dhigay xarunta tababarka shaqaalaha caafimaadka Puntland, taasoo noqondoonta xaruntii ugu horeysay ee lagu tababaridoona shaqaalaha caafimaadka.

Xaruntaan cusub ayaa laga dhex dhisayaa gudaha dhismaha wasaaradda caafimaadka, waxaana wasiirka dhaga dhiga ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda , Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan, agaasimaha waaxda caafimaadka aas aasiga ah, Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo masuul kale.

18 Feb 2018

Deeganka Go gobaadle oo ka tirsan degmada  Gaalkacyo kuna dhawo Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa maanta waxaa laga dhagax dhigay Beer lagu xanaaneeyo xoolaha, laguna beeri doono qudaarta noocyadeeda kala duwan iyo Ceel biyood.

Dadka ka faaiidaysanaya mashaariicdan ayaa ubadan xoolo dhaqatada gobolka mudug ,ku waas oo noqon doona xoolo dhaqato beeraley.

Munaasibadii lagu dhagax dhigayay mashruucan ayaa waxaa gob joog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka gobolka mudug  kusimada duqa degmada gaalkacyo Taliyaha qaybta gobolka mudug  iyo mas,uuliyiin kale.

18 Feb 2018

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa maanta guud ahaanba xiray Suuqii Bakaara ee ugu Waynaa magaalada Muqdisho iyagoo ka cabanaya Canshuur kordhin ay sheegeen in ay ku samaysay wasaarada maaliyada .

Ganacsatada ayaa sheegay in lagu kordhiyay lacag gaaraysa Boqol kiiba shan ,halka markii hore laga qaadi jiray qimo intaasi kayar.

Arintan ayaa waxa ay saamaysay dadkii danyarta ahaa ee ka adeegan jiray suuqyada waa weyn ee magaalada muqdisho, lamana oga halka ay xaaladan ku dambayn doonton.

18 Feb 2018

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa maanta guud ahaanba xiray Suuqii Bakaara ee ugu Waynaa magaalada Muqdisho iyagoo ka cabanaya Canshuur kordhin ay sheegeen in ay ku samaysay wasaarada maaliyada .

Ganacsatada ayaa sheegay in lagu kordhiyay lacag gaaraysa Boqol kiiba shan ,halka markii hore laga qaadi jiray qimo intaasi kayar.

Arintan ayaa waxa ay saamaysay dadkii danyarta ahaa ee ka adeegan jiray suuqyada waa weyn ee magaalada muqdisho, lamana oga halka ay xaaladan ku dambayndoono.

Pages

Subscribe to Puntland News Network RSS